Ankara (Dawan)- Xarunta Warbixinadda Maaliyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Turkiga ayaa Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham wada shaqeyn dhex mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal.
Ujeedada Heshiiska
Heshiiskan ayaa looga gol- leeyahay adkeeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada shaqeynta labada dowladood iyo in ay iska kaashadaan ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada
Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaashandoona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, uruurinta, hormarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal.
Sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsandoona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.
Heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay warbaahinta dowladda.
War-saxaafadeedku waxa uu intaas ku daray, in labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doonan macluumaadka iyo xogaha iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka Maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada laga shaki qabo iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, iyada oo loo hogaansamaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.








