Istanbul (Dawan)- Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Istanbul, iyagoo ka wada hadlay ballaarinta iyo xoojinta iskaashiga tamarta ee u dhexeeya labada dal.
Wasiir Bayraktar ayaa sheegay in wada-hadalladu diiradda saareen xaaladda hadda taagan ee baaritaannada hydrocarbons-ka ee Turkiga iyo Soomaaliya ka wada fulinayaan dhulka iyo badda Soomaaliya, iyo sidoo kale qorshayaasha hawlgal ee muddada dhow iyo tan fog, si loo kordhiyo waxtarka iyo baaxadda sahminta kheyraadka tamarta ee dalka.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya ka hor booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu wado inuu maalinta berri ah u safro Turkiga, taas oo muujinaysa muhiimadda sii kordhaysa ee iskaashiga tamarta ee labada dowladood. Wadahadallada ayaa sidoo kale taabtay arrimaha la xiriira maalgashiga, iskaashiga farsamo, iyo mashaariicda wadajirka ah ee mustaqbalka, kuwaas oo fursado cusub u abuuri kara labada dal dhinaca tamarta.





