Soomaaliya, 09 Oktoobar 2025 — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay saddex Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ujeedadoodu tahay xoojinta waxbarashada iyo cilmi-baarista. Heshiisyadan, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxay Soomaaliya la gashay Uganda oo ah waxbarashada guud, Qatar oo tacliinta sare ah, iyo Aljeeriya oo tacliinta sare iyo cilmi-baarista ah.
Heshiiska Uganda ayaa shalay lagu saxiixay Kampala iyadoo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu qeyb ka ahaa.



