New York (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii ka jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bayaan rasmi ah oo ay ku mataleyso kooxda A3+ — oo ka kooban Algeria, Guyana, Sierra Leone iyo Soomaaliya — iyada oo ugu baaqday beesha caalamka in la dardar-geliyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xakameynayo colaadaha ka taagan Yemen iyo Qaza.
Bayaanka waxaa jeediyay Danjire Maxamed Yuusuf, Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, isaga oo metelayay mowqifka wadajirka ah ee waddamada A3+.
Danjiraha ayaa si cad u muujiyay walaac xooggan oo la xiriira sii kordhaya xiisadaha gobolka, gaar ahaan iska-horimaadka u dhexeeya xoogagga Xuutiyiinta iyo Dowladda Israel. Bayaanka ayaa cambaareeyay jebinta xeerarka caalamiga ah ee dagaalka, wuxuuna xusay in xasillooni darrada Yemen ay si toos ah ugu xiran tahay colaadda ka taagan Qaza, isagoo ka digay halista uu dagaalku ugu faafi karo guud ahaan gobolka.
“Xabbad-joojin degdeg ah oo waarta oo ka dhacda Qaza waa lama huraan si loo yareeyo silica dadka rayidka ah, loona xakameeyo saameynta dagaalka ee hadda gaartay Yemen,” ayaa lagu yiri bayaanka A3+.



