Muqdisho (Dawan) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay magacaabista Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga.
"Magacaabistan ayaa ku soo aadaysa xilli Ciidanka ay ku socoto dib-u-habayn guud, ayna guulo la taaban karo ka soo hooyeen dagaallada xaqqa ah ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta" ayaa lagu yiri qoraal kasoo Wasaaradda Gaashaandhigga.
Dowladda ayaa sheegtay in isbeddelkan hoggaamineed uu qayb ka yahay dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka ciribtirka argagixisada iyo tayeynta awoodda ciidan.





