Muqdisho. 11 December, 2025 (Dawan)- Wasiirka Beeraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay bedeshay qaabka loo wajaho abaaraha dalka, kaas oo horey u ahaa in dadka ay ku soo barakacaan xeryaha magaalooyinka si loogu caawiyo. Dowladda waxay hadda qorsheyneysa in taageerada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen iyaga oo ku sugan guryahooda iyo beerahooda.
Maareeye ayaa arrinkan ka sheegay kulan uu la yeeshay hay’adaha Soomaaliya ka caawiya dhinac gargaarka, sida FAO, WFP, NDP iyo hay’ado kale oo ka qeyb qaata taageerada cunto iyo adeegyada bulshada. Wasiirka ayaa caddeeyey in siyaasaddan cusub ay diiradda saarayso ilaalinta xoolaha, beeraha, iyo guryaha bulshada, iyadoo la barayo beeraleyda iyo xoola-dhaqatada sidii ay u isticmaali lahaayeen farsamooyin cusub iyo habab casri ah oo u adkeysan kara isbedelka cimilada.
“Waxaan rabnaa in dadka lagu taageero meesha ay ku nool yihiin, si loo badbaadiyo xoolahooda iyo beerahooda, loogana hortago barakac aan loo baahnayn,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), isaga oo tilmaamay in arrintani ay qeyb ka tahay siyaasadda cusub ee dowladda ee ku dhisan adkeysiga iyo wax ka qabashada abaaraha halka ay ka dhacayaan.







