Muqdisho (Dawan)- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed ayaa maanta oo Jimco ah beeniyay wararka sheegaya in Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galayaan heshiis dhanka badda ah, wuxuuna ku tilmaamay warkaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.
“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya gabi ahaanba waa kuwo aan waxba ka jirin. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka" ayuu yiri, Cali Balcad.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay sheegtay in Kenya ay soo bandhigtay heshiis dhinaca badda ah si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya.
Qorshaha Kenya ayaa Itoobiya u ogolaanaya in ay saldhig ciidan ka samaysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taal Somaliland, sida ay Reutres kasoo xigatay diblomaasi Kenyan ah.
Heshiiska ay Kenya soo jeedineyso iyadoo la tashaneysa Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD ayaa lagu maamuli doonaa sidii dowladaha aan badda lahayn ee gobolka ay u heli lahaayeen dekedo qaab ganacsi, sida uu Korir Sing’oei, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Kenya u sheegay Reuters.





