Soomaaliya, 27 Janaayo 2026 (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegaya in qaar ka mid ah dhinacyada muhiimka ah ee dalka laga reebay hanaanka dib-u-eegista Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in hannaanka dib-u-eegista uu ahaa mid wadajir ah, iyadoo ay ka qeyb qaateen Wasaaradda, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), Guddiga La-socodka Baarlamaanka (OC), iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in la-tashiyo dadweyne lagu qabtay guud ahaan dalka, iyadoo la hubiyay ka-qaybgalka muwaadiniinta, wakiillada bulshada rayidka ah, iyo dowlad-goboleedyada, marka laga reebo Puntland oo aan ka qeybgalin sababo siyaasadeed awgood.
“Dhammaan tallaabooyinkii macquulka ahaa waa la qaaday si la-tashiyada dadweynaha ay u noqdaan mid loo dhan yahay, hufan, isla markaana waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah,” ayuu yiri bayaanka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in codsiyo rasmi ah oo joogto ah loo diray Puntland si ay uga qeyb qaadato, balse aysan ka jawaabin.





