Muqdisho (Dawan) – Hay’adaha mas'uulka ka ah dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay latashiyo ku saabsan wax ka bedelka cutubyada 10-15 ee Dastuurka. Latashyadaan oo laba maalmood soconaya waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Guddiga Kormeerka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa isu soo uruuriyay daneeyayaasha ka kala socday hay’adaha dastuurka ee heer federaal, dowlad-goboleed, iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka wada hadlaya soo-jeedimaha lagu sameynayo cutubyada haray ee Dastuurka.
“Lixda cutub ee ugu dambeeya ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa noqday kuwo lagu talo-galay latashiyo dhex maray hay’adaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Senator Siciid Cowke, Xoghayaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.






