Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hannaan casri ah oo lagu diiwaangelinayo doomaha iyo maraakiibta saldhiggoodu yahay Soomaaliya, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo sumcadda dalka ee dhinaca gaadiidka badda iyo u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas'uuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, kuwaas oo warbixin ka siiyay horumarka laga gaaray dib-u-habeynta nidaamka gaadiidka badda.
Warbixinta waxaa soo jeediyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyo khubaro ka tirsan wasaaradda, kuwaas oo faahfaahiyay nidaam cusub oo lagu diiwaangelinayo maraakiibta iyo doomaha, kuwaas oo qaadan doona calanka Soomaaliya si ay u yeeshaan aqoonsi sharci ah oo caalami ah.


