Jabuuti (Dawan ) – Ganacsatada iyo dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isku raacay inay xoojiyaan iskaashiga si loo ilaaliyo xasiloonida suuqa gudaha iyo awoodda wax iibsiga ee dadweynaha, kaddib kulan muhiim ah oo lagu qabtay Rugta Ganacsiga Jabuuti.
Kulankan oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Maxamed Warsame Diiriye, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda suuqyada gudaha iyo saameynta ay xaaladaha Bariga Dhexe ku leeyihiin soo dejinta alaabta muhiimka ah.
Waxaa kulanka ka qayb galay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti, Yuusuf Muuse Dawaale, iyo wakiillo ka socday bahda ganacsatada, iyadoo doodaha lagu muujiyay muhiimadda iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada si loo xakameeyo kororka qiimaha loona hubiyo helitaanka alaabta daruuriga ah.
Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay inay si dhow ula socon doonto xaaladda suuqyada, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin ka hortag ah si looga fogaado wax kasta oo saameyn ku yeelan kara qiimaha iyo sahayda alaabta.


