Muqdisho (Dawan) – Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir, taas oo la qabtay 25-kii Diseembar 2025, kaddib dacwado la xiriiray habraaca iyo natiijada doorashada.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii ay dib u eegis ku samaysay codsi uu u gudbiyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo la xiriiray doorashada, iyadoo ugu dambayn xaqiijisay in natiijadii uu hore u shaaciyay guddigu ay waafaqsan tahay sharciga dalka.
Maxkamadda Sare ayaa sheegtay in doorashada loo maray hab sharci ah, isla markaana aan la helin wax caddayn ah oo wax ka beddeli kara natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.


