Muqdisho, 15 December 2025 (Dawan)- Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda qaranka ee amniga internetka, iyadoo bilowday Barnaamijka Shahaadooyinka Waxbarashada Amniga Internetka ee Caalamiga ah oo loo yaqaano (Global ACE), kaas oo u hoggaansamaya heerarka caalamiga ah.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya iyo CyberSecurity Malaysia kala la saxiixdeen Isfaha, si loo aasaaso Faraca Soomaaliya ee Global ACE, taas oo noqon doonta markii ugu horreysay ee barnaamijkan si rasmi ah loogu dhaqan geliyo dalka.
Global ACE waa barnaamij lagu qiimeeyo xirfadlayaasha amniga internetka, waxaana lagu sameeyay iskaashi dhexmaray dowlado, jaamacado, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Jaamacadda SIMAD ayaa noqon doonta Faraca Soomaaliya ee Global ACE, iyadoo taageeraysa bixinta shahaadooyinka amniga internetka, tababarrada xirfadeed, iyo barnaamijyada horumarinta awoodda qaranka. Faracan wuxuu fududeynayaa in la is waafajiyo heerarka, la aqoonsado shahaadooyinka sidoo kalena iskaashi caalami ah laga yeesho waxbarashada iyo tababarka amniga internetka.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya, waxay sheegeen in iskaashigan uu gacan ka geysan doono la jaan qaadida tiknoolajiyadda, xoojinta xarumaha tababarka ee gudaha, abuurista fursado shaqo, iyo ka qaybqaadashada koboca dhaqaalaha iyadoo loo marayo iskaashi caalami ah.





