Muqdisho, 3 Janaayo 2026 ( Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay doorka ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka qaadanayso dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo wadahadallada qaran ee Yemen.
Bayaan saxaafadeed oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweynayso hindisaha Sacuudiga ee martigelinta shir qaran oo loo dhan yahay, kaas oo ka dhici doona magaalada Riyadh, iyada oo la aqbalayo codsi ka yimid hoggaanka sharciga ah ee Yemen.
Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid muujinaysa mas’uuliyad iyo ka go’naansho dhab ah oo ku wajahan wadahadal, is-afgarad iyo hannaan siyaasadeed oo nabadeed, kaas oo fursad u siinaya dhammaan dhinacyada Yemen inay aragtidooda ku muujiyaan qaabmideysan.
Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in hindisaha Riyadh uu muujinayo hannaan dhammaystiran oo ilaalinaya midnimada iyo madax-bannaanida Yemen, isla markaana gacan ka geysanaya xoojinta amniga iyo xasilloonida dalkaas.






