Antalya, Turkiga – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka ay la leedahay Itoobiya uu haatan wanaagsan yahay, kaddib dadaal dhexdhexaadin ah oo ay Turkigu ka sameeyeen khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay labada dal. Sidaas waxaa shaaciyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cali Maxamed Omar, isagoo ka hadlayey madal ka tirsan Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga.
Wasiir Cali Maxamed Omar ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay arkaan dhexdhexaadinta Turkiga inay tahay fursad muhiim ah oo lagu xallin karo khilaafaadka, laguna xoojin karo nabadda gobolka Geeska Afrika.
“Somaliya oo xasilloon waxay u wanaagsantahay Itoobiya, Itoobiya oo xasilloonna waxay u wanaagsan tahay Soomaaliya. Labadubana waxay wanaagsan yihiin gobolka iyo sidoo kale dadka,” ayuu yiri Wasiir Cali, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi wax ku ool ah oo labada dal dhexdooda ah.





