Addis Ababa (Dawan) - Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii ugu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada iyo maalgelinta nidaamyada cuntada, isagoo khudbad ka jeedinayay furitaanka Shirka Qaramada Midoobay ee Dib-u-eegista Nidaamyada Cuntada (UNFSS+4) ee ka socda Addis Ababa.
Madaxweynaha oo la hadlayay madaxda caalamka iyo wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado isbiirsaday oo ay ka mid yihiin colaado daba dheeraaday, cunno yari sii kordhaysa, iyo saameynta sii xumaanaysa ee isbedbedelka cimilada. Wuxuuna tilmaamay in aan laga maarmin iskaashi caalami ah.
Madaxweyne Xasan ka yiri shir-madaxeedka, “Waxaan codsaneynaa iskaashi caalami ah iyo helitaanka maalgelin cimiladeed oo caddaalad ah, hal-abuurnimo iyo gargaar farsamo.”
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad kala bar dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin miyiga, halka in ka badan afar milyan ay la daalaa-dhacaayaan cunno yari ba’an.
Beeraha ayaa ah la sheegaa Somaaliya in ay yhiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, iyadoo lagu qiyaaso in ay bixiyaan in ka badan 70% Waxsoosaarka Guud ee Gudaha, isla markaana ay shaqo siiyaan ku dhowaad 80% dadka Soomaaliyeed.





