Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amray in canshuuraha laga dhaafo dhammaan alaabaha, deeqaha iyo adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo gelaya, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee loo fidinayo shacabka ay saameeyeen abaaraha ba’an.
Amarkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha uu maanta oo Arbaca ah booqday Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), halkaas oo uu uga kuur galay xaaladda guud ee abaarta iyo dadaallada socda ee wax looga qabanayo saameynteeda. Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta hay’adda ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heerka abaarta, barakaca shacabka, nabaad-guurka deegaanka iyo khataraha sii kordhaya ee macluusha.
Sida lagu sheegay warbixinta SODMA, abaarta ka jirta dalka ayaa saameysay in ka badan 4 ilaa 5 milyan oo qof, kuwaas oo u badan bulshooyinka ku nool gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Warbixintu waxay intaas ku dartay in boqolaal kun oo qoysas ah ay ka barakaceen deegaannadoodii, halka carruurta, haweenka uurka leh iyo dadka nugul ay wajahayaan xaalado nafaqo-darro oo halis ah, taas oo sare u qaadaysa khatarta musiibo bini’aadantinimo.





