Muqdisho (Dawan Africa) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday hirgelinta Qaab-dhismeedka Danabeysan ah ee Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), barnaamij cusub oo loogu talagalay casriyeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda iyo xoojinta daahfurnaanta.
Xafladda lagu daah-furay hindisahan ayaa ka dhacday Muqdisho, waxaana soo qabanqaabiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo uu taageerayay Mashruuca SERP ee Bangiga Adduunka.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in barnaamijkan uu soo kordhin doono Nidaamka Saxiixa Danabeysan ee PFM, kaas oo yareyn doona waraaqaha gacanta lagu maamulo, isla markaana kor u qaadi doona hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
“Barnaamijkan oo dhaqangelaya 30-ka bishan August wuxuu sare u qaadi doonaa hufnaanta iyo badbaadada maaliyadda, wuxuuna xoojin doonaa isla-xisaabtanka” ayuu yiri Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed.





