Muqdisho (Dawan ) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inay dardar gelinayso ololaha lagu raadinayo maalgelinta howlgalka Midowha Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ( AUSSOM), xilli isbeddellada caalamiga ah ay saameyn ku yeesheen taageeradii dhaqaale ee hawlgalka.
Hadalkan ayaa ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, oo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media. Wasiirku wuxuu sheegay in, inkasta oo ay jiraan caqabado dhaqaale, haddana dowladdu ay waddo dadaallo iyo ololeyaal ballaaran oo lagu xoojinayo taageerada dhaqaale ee howlgalka.
“Yaboohaas wuu socdaa, waana run in caqabado ay jiraan, balse dunidu isbeddel weyn ayay gashay,” ayuu yiri Wasiirku, isagoo xusay in Soomaaliya ay waddo dadaallo dardar gelin ah iyo olole diblomaasiyadeed si loo xaqiijiyo maalgelin waarta.
Wasiir Dhaay ayaa tilmaamay in dowlado badan ay durba muujiyeen diyaar u ahaanshahooda taageerada howlgalka AUSSOM, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, isla markaana ay socdaan wada-hadallo lagu ballaarinayo taageeradaas.







