Muqdisho (Dawan)- Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa ku dhawaaqay dhaqan gelinta cunaqabateyn ka dhan 16 hay’adood iyo shaqsiyaad ku lug leh ballaarinta shabakado ganacsi oo ku yaal Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Qubrus, kuwaas oo lagu eedeyay lacag dhiqid iyo maalgelinta kooxda Al-Shabaab iyada oo la tixraacayo War-Saxaafadeedkii ay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka soo saartay 11-kii bishaan march 2024.
War-saxaafadeed kasoo baxay Bangiga ayaa lagu yiri; " Laga billaabo 14 Maarso 2024, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu Waaxda Maaliyadda Mareykanka ku waafaqay liiska shaqsiyaadka iyo shirkadaha ay xayiraadda ku soo rogtay si waafaqsan qodoba Saddexaad ee sharciga la dagaallanka Argagixisda iyo la dagaallanka lacag dhaqista ee soo baxay 2016".
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa faray dhammaan Bangiyada diiwaan gashan in ay qaadaan tallaabooyinka lagu dhaqan gelinayo cunaqabateynta lagu soo rogay shakhsiyaadka iyo shirkadaha lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab, waxa uuna soo saaray amarada soo socda;








