Muqdisho (Dawan ) – Shir lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu doortay guddoomiyihii ugu horreeya ee “Ururka Ganacsatada Yaryar iyo Kuwa Dhexe.” Abdimajiid Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay hogaanka kadib tartan dhacay maalinkii labaad ee shir saddex maalmood socday oo ay ku loolamayeen saddex musharax.
Xubno matalayay in ka badan 120 ganacsi oo ka kala yimid gobollada dalka, sida ay sheegtay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa ka qeyb galay doorashada. Wasaaraddu waxay sheegtay in ururkan cusub uu yahay mid buuxinayo shuruudo ku xiran ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika.
“Waxay ahayd mid ka mid ah shuruudaha ku xiran inaan ku biirno Bulshada Bariga Afrika, oo iyagana waddan walba leh ururkaan camal, kana howlgala waddamada dhan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Xasan Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Ganacsiga iyo Horumarinta Suuqyada.
Ganacsatada ka qeyb gashay ayaa sheegay in ururkaan uu noqonayo difaac iyo cod mideysan oo ay ku wajahaan caqabadaha canshuuraha iyo sharciyada cusub.
“Hadda waddanka waa isbedelay, dowlad ayaa timid, nidaam ayaa yimid, shuruuc ayaa timid, canshuuro xad dhaaf ah ayaa timid. Sidee marka? Protection ayey u baahnaayeen. Ururkan marka wuxuu noqonayaa protection-ka ganacsatada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdi Naafic Xirsi Cali, ganacsade.
Tartanka hoggaanka oo ay galeen saddex musharax ayaa ku dhammaaday wareegga koowaad, iyadoo Abdi majiid Axmed Maxamed loo doortay guddoomiyaha ururka cusub.



