Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu bilowday howlaha adeegga boostada qaranka, kaddib hakad ku yimid muddo dhan 36 sano. Dib u hawlgelinta ayaa ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde 28-ka Luulyo, 2025.
Munaasabadda dib-u-furista waxaa horkacay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macallin Soomaali, kaasoo sheegay in adeegga boostada uu si hoose u bilaabmay bishii May 2025, iyadoo la bilaabay dirista iyo helista waraaqaha iyo xirmooyinka boostada.
“Maanta waa maalin dib loogu soo celinayo adeeg muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed, kaddib hakad ku yimid ku dhawaad 36 sano,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Wasiirku wuxuu sheegay in dib u hawlgelinta adeegga ay ahayd mid muddo badan lagu dadaalay.
“Tallaabadani waxay ka tarjumeysaa dadaallada joogtada ah ee lagu dib-u-dhisayo adeegyada dowladda. Shaqaalaha boostada waxay heleen tababaro caalami ah, qaarna dibedda ayaa loo diray si ay u helaan xirfado dheeraad ah oo la jaanqaadaya horumarka teknolojiyadda,” ayuu yiri.
Mas’uuliyiinta ka qeybgalay munaasabadda waxaa ka mid ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamuud Cabdiqaadir (Jeego), Maareeyaha Garoonka Maxamed Siciid Cabdullaahi, iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin Xasan. Waxay bogaadiyeen hoggaanka Wasaaradda iyo muhiimadda uu leeyahay nidaam boosto oo casri ah iyo xoojin dhismaha dowladnimada.





