Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay diwaan gelinaysa xogta dadka ay dhibaatooyinka sameeyeen, kuwaas oo u baahan gacan qabad iyo tageero dhaqaale .
Barnaamijkaan oo loogu waqlalay "Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Midaysan" ayaa hiigsanaya in hoos loo dhigo saboolnimada iyo cunto yarida, sidoo kalena la diyaariyo bulsho awood u leh in ay u adkeysato masiibooyinka dabiiciga sida Abaaraha, Fatahaada soo noq-noqday iyo dhibaatada Ayaxa.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo daah-furay Nidaamkaan cusub ayaa sheegay in uu udub dhexaad u yahay siyaasadda dowladda Federaalka, isla markaana diiradda lagu saarayo horumarinta loo dhanyahay, si loo xoojiyo sugidda amniga, kor u qaadista kobaca dhaqaalaha, iyo horumarinta iskaashiga bulshada dhaxdeeda ah.
Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Adeegga Bulshada ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda nidaamkaan cusub uu u leeyahay howlaha dowladda, gaar ahaan aafooyinka soo wajaha masiibooyinka.
“Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Midaysan" waxa uu kaydin doonaa xogta dhammaan dadka saboolka ah , gaar ahaan kuwa ay saameeyeen dhibaatooyinka sida Daadadka, Dabaylaha, Abaaraha iyo Ayaxa,, wuxuuna kaalin ka qaadan doona in dowladdu si deg-deg ah uga jawaabato" ayuu yiri, Dr. Maxamed Ibraahim Cilmi.






