Muqdisho – 8 Janaayo 2026 (Dawan)- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa shalay kala saxiixday heshiis iskaashi oo diiradda saaraya cilmi-baarista, tababarka, iyo horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed, si ay uga qeyb qaataan howlaha soo saarista kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka iyo macdanta.
Heshiiska waxaa si rasmi ah u kala saxiixay Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, guddomiyaha Jaamacadda Ummadda, iyo Mudane Maxamed Xaashi Carabey, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka. Heshiisku wuxuu xooga saarayaa in Jaamacadda Ummadda ay ka qeyb qaadato tababarka iyo waxbarashada ardayda, iyadoo la bixin doono tababaro xirfadeed iyo aqoon kororsi loogu talagalay ardayda ka qalinjebineysa jaamacadaha dalka.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah jaamacado dhowr ah oo bixiya taqasusyo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah iyo macdanta, waxaana la filayaa inay qeyb weyn ka qaadato horumarinta shaqaalaha aqoon u leh kheyraadka dalka, si ay uga qeyb qaataan hawlaha soo saarista shidaalka iyo gaaska.







