Soomaaliya, 15 October 2025 — Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in saddex sano gudahood ay koronto la cusboonaysiin karo gaarsiiso 50% bulshada Soomaaliyeed, si loo helo koronto nadiif ah oo la awoodi karo.
Isagoo ka hadlayey maanta Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed, oo sanadkan diiradda lagu saarayo tamarta iyo hal-abuurka, ayuu Wasiir Warsame sheegay in 49% bulshada Soomaaliyeed aysan weli haysan koronto ama aysan haysan koronto tayo leh — taas oo aad uga hooseysa celceliska qaaradda Afrika ee ah 65%.
“Waxaan qorsheyneynaa inaan yareyno ku-tiirsanaanta shidaalka, annagoo doonayna inaan saddexda sano ee soo socota hoos ugu dhigno 50%, halka 50% kalena aan ka dhigno tamar qoraxeed, si aan shacabka u gaarsiino koronto nadiif ah oo jaban,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sheegay in 85% korontada Soomaaliya lagu dhaliyo shidaal (diesel), taas oo ka dhigaysa mid qaali ah isla markaana aan waara ahayn. Dowladda ayaa qorsheynaysa in ugu yaraan kala bar korontada dalka laga dhaliyo ilo cagaaran sida qorraxda iyo dabaysha.



