Jeddah (Dawan)- Ergayga cusub ee Soomaaliya u magacaawday ururka iskaashiga Islaamka, Cabduqaadir Macallin Nuur ayaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Xoghayaha guud ee ururka Xuseen Ibraahim Daaha.
Cabduqaadir Macallin Nuur ayaa bedeli doona Ergaygi hore ee Soomaaliya u fadhiyay ururka iskaashiga Islaamka, Ibraahim Aadan Muuse oo mudda xileedkiisi dhamaaday.
Ergayga cusub iyo Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka ayaa kawada hadlay sidii loosii dardargelin lahaa wada shaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa Ururka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale isla soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo guud ahaan gobolka.





