By Asha Elmi
MUQDISHO,Soomaaliya – Sida ay sheegtay warbaahinta Middle East Eye oo ka faalloota arrimha Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika , saddex helikobtar oo nuuca T129 Atak ah ayaa Soomaaliya soo gaaray isbuucaan, xilli Turkiga uu ballan qaaday inuu xoojinayo taageerada uu siiyo Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sheegtay in duuliyayaal Soomaaliyeed ay muddo sanad ah tababar ka heleen Turkiga si ay ugu maamulaan helikobtarada T129 Atak, waxaana helikobtaradan imanayayaan kadib markii ay dhammeeyeen tababarkooda ugu dambeeyay.
“Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay bishaan soo gaarsiisay saddex helikobtar oo T129 Atak ah dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Warbixinta waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale Turkiga uu Soomaaliya u siiyey Ciidanka Badda 2 helikobtar oo adeegyo ah, kuwaas oo qeyb ka ah heshiiska difaaca oo ay labada dowladood galeen bishii February 2024, kaas oo u oggolaanaya Turkiga inuu dhiso awoodda badda ee Soomaaliya.







