Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya waxay markii ugu horeysay heleysa lacag dhan 100 milyan oo doolar, si loo fuliyo mashruuca kor loogu qaadayo u adkeysiga bulshada Soomaaliyeed ee isbedalka cimilada.
Go'aankaan waxaa lagu qaatay kalfadhigii afartanaad ee guddiga fulinta Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysay 21-24 bishaan October Songdo, Incheon, ee dalka Koonfur Kuuriya.
Qorshaan oo ay hormuud ka tahay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), ayaa awood u siin doona malaayiin isagu jira beeralay iyo xoolo-dhaqato inay la qabsadaan saamaynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, sida abaaraha, fatahaadaha, iyo biyo la’aanta.
FAO waxay Soomaaliya iyo Ciraaq u doortay inay ka taageerto maalgashigii ugu horreeyay ee isbeddelka cimilada . " Labada mashruuc ee laga fulinayo labadan dal waxay tusaale u yihiin sida ay FAO uga go'an tahay wax-ka-qabashada cimilada iyada oo wax ka beddelaysa nolosha beeralayda, si loo dhiso nidaam u adkaysan kara isbedelka cimilada", sidaas waxaa sheegay Kaveh Zahedi, oo ah Agaasimaha Xafiiska FAO ee Isbeddelka Cimilada.

Soomaaliya waxay wajaheysaa caqabado adag oo ay ka mid yihiin faqriga iyo colaadaha. Arrimahaas waxay uga sii darayaan isbeddelka cimilada, gaar ahaan dhacdooyinka soo noqnoqday sida abaaraha iyo fatahaadaha kuwaas oo khatar ku ah sugnaanshaha cuntada ee dalka oo markii horeba aan la isku halayn karin.




