Soomaaliya, 4 November 2025 — Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa Muqdisho ku daah-furay barnaamijka Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat-DDO), oo ah nidaam u oggolaanaya Soomaaliya marin u helka deyn degdeg ah oo Bangiga Adduunka ah, si loo maalgeliyo jawaabaha degdegga ah ee masiibooyinka dabiiciga ah.
Barnaamijkan wuxuu u suurtagelinayaa dowladda in ay si dhakhso ah u hesho dhaqaale marka si rasmi ah loo shaaciyo xaalad degdeg ah, gaar ahaan marka ay dhacaan abaaro, fatahaado iyo masiibooyin kale oo saameeya nolosha bulshada.
Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle, oo furitaanka hoggaaminayay, ayaa sheegay in nidaamkan uu yimid xilli muhiim ah oo ay hoos u dhacday maalgelinta bani’aadannimada, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka uu ka qaadanayo dhisidda adkaysiga dalka.
“Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in barnaamijkani uu muhiim u yahay dowladda maadaama uu imanayo xilli ay hoos u dhacday taageerada bani’aadamnimo, isla markaana uu ka caawin doono dhisidda adkaysiga qaranka iyo horumarinta awoodda dalka ee ka jawaabista iyo la qabsiga masiibooyinka,” ayay Hay’adda sheegtay.
Mas’uuliyiinta aya xusay in nidaamkan uu yahay tallaabo lagu yaraynayo barakaca, khasaaraha naf iyo maal, isla markaana lagu adkaynayo qorshayaasha jawaabta degdegga ah ee dowladda.
Sida ku cad dukumentiyada Bangiga Adduunka ee April 2025, Soomaaliya waxay heshay $20 milyan oo ah marin-deynta Cat-DDO, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu horumarinayo nidaamyada maaraynta khataraha masiibooyinka iyo adkaysiga cimilada.
Dowladdu waxay ku adkeysatay in ay sii waddi doonto xoojinta iskaashiga uu la leeyahay Bangiga Adduunka iyo deeq-bixiyeyaasha kale si loo ilaaliyo bulshooyinka nugul loona gaaro xalal waara.

