Muqdisho, 4 Noofambar 2025 — Xafiiska Qaramada Midoobay ee Mashaariicda (UNOPS), ayaa Isniintii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyey qalab tiknoolajiyadeed (ICT) ah oo lagu taageerayo dib-u-habeynta dhijitaalka iyo hufnaanta hay’adaha amniga dalka.
Qalabkan oo ku kacay $314,697 ayaa waxaa maalgelisay Midowga Yurub waxaana loo qoondeeyay Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, iyo Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka, waxaana lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu dhisayo hay’ado amni oo casri ah oo ku shaqeeya nidaamyo dhijitaal ah.
Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo hadlay intii lagu guda jiray xafladda wareejinta ayaa sheegay in qalabku uu kaalin muhiim ah ka ciyaari doono kor u qaadista hufnaanta shaqo iyo isla-xisaabtanka.
“Isbeddelka dhijitaalka ah ayaa udub dhexaad u ah ajendaha dib u habaynta. Nidaamyada ICT-ga casriga ah waxay hagaajin doonaan daahfurnaanta, kormeerka iyo hufnaanta hawlgelinta,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Qalabka la keenay ayaa loogu talagalay in lagu casriyeeyo nidaamyada maamulka shaqaalaha, saadka, maaliyadda iyo amarrada taliska, iyadoo dowladda sheegtay in tallaabadani qeyb ka tahay dhismaha awood dowladnimo oo ku dhisan tiknoolajiyad iyo hufnaan.







