New York (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dhanka taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya la gashay xafiiska Qarmada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOS iyo xafiiska nabad ilaalintaa Midowga Africa ee ATMIS.
Heshiiskaan ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo hadda uu ka socdo shirka looga hadlayo amniga Soomaaliya.
Waasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray “Waxaan magaalada New York ee dalka Mareykanka ku kala saxiixannay heshiis saddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”






