Istanbul, 14 Febraayo 2026(Dawan) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay Khamiistii in aasaasidda xiriir badeed oo toos ah oo lala yeesho Turkiga inuu yahay arrin istiraatiiji ah, iyadoo ganacsiga u dhexeeya labada dal uu sii kordhayo.
Wasiir Nuur ayaa Turkiga uga qeybgalay shirka Wasiirrada Gaadiidka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) isagoo tilmaamay in hababka saadka ee hadda jira aysan ku filneyn ballaarinta is-weydaarsiga ganacsi.
“Xariir badeed toos ah ayaa dhimi doona kharashka, gaabin doona waqtiga rarista, isla markaana kordhin doona guud ahaan xaddiga ganacsiga,” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya oo u ah buundo isku xirta Afrika, Jasiiradda Carabta, Koonfurta Aasiya, iyo Badweynta Hindiya, isagoo xusay in xeebaha xasilloon ay muhiim u yihiin ilaalinta wadooyinka ganacsi ee caalamiga ah, gaar ahaan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Sidoo kale,wuxuu xusay in dekedaha Soomaaliya ay marin adeeg u yihiin dalalka bariga Afrika ee aan lahayn bad, taasoo ka dhigaysa ballaarinta awoodda dekeduhu mid muhiim u ah gobolka. Daraasadaha Mashruuca Dekedda Cusub ee Muqdisho ayaa la dhameystiray, waxaana la bilaabay wajigii qandaraaska, isagoo ku martiqaaday maalgashiga qaybta gaarka loo leeyahay.






