Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa maanta sheegtay in la hirgeliyay adeeg cusub oo danabeysan oo ah oo diiwaangelinta xaaladaha madaniga ah, kaas oo ka shaqaynaya oo hadda 19 degmo oo dalka ka tirsan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in nidaamkan, oo qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo nidaamka diiwaangelinta iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah (CRVS), uu fududeynayo in muwaadiniintu helaan dukumentiyo rasmi ah, isla markaana uu xallinayo caqabadaha muddada dheer ka jiray xaqiijinta dhalashada, guurka, furriinka iyo dhimashada.
“Dalkeenna maanta waxa uu hirgeliyay adeeg dhijitaal ah oo mideysan oo diiwaangelinta xaaladaha madaniga ah, kaas oo xallin doona dhibaatooyinka ay dadka kala kulmaan helitaanka caddeynta dhalashada, guurka, furriinka iyo dhimashada,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.
Warbixinta ayaa lagu shaaciyay warsaxaadeed lagu xusay Maalinta Afrika ee Diiwaangelinta iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, oo sanad walba la xuso 10-kii Agoosto si loo muujiyo muhiimadda diiwaanno la isku halayn karo oo si fudud loo heli karo.






