Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Maalim Fiqi ayaa ayaa shir guddoomiyey kulan heer sare ah oo Soomaaliya ay ugu diyaar garoobyeso ka qeybgalka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC)
Kulankan ayaa looga gol lahaa in la mideeyo mudnaanta Soomaaliya ee madasha, iyadoo si qoto dheer looga dooday arrimo muhiim ah sida siyaasadda, amniga, maalgashiga, teknolojiyadda, tamarta, biyaha, beeraha, ganacsiga, iyo kalluumeysiga sida lagu sheegay qorala kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
Ajendaha ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa sidii Soomaaliya u heli leheed maalgelin loogu talagalay mashruuca biyaha nadiifka ah ee Muqdisho.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhowr wasiir iyo mas'uuliyiin kale iyadoo la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku biiro wafdiga, taasoo ka dhigi doonta wafdigii ugu ballaarnaa ee Soomaaliya uga qaybgasho madasha FOCAC.
Shirkan oo lagu magacaabo Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC), oo ah kulan caalami ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika ayaa looga wada hadlaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho. FOCAC waxaa la aasaasay sanadkii 2000, waxaana lagu qabtaa shirar joogto ah oo heer wasiirro iyo madax ah.




