Soomaaliya, 17 Nofeembar 2025 — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ugu baaqay daneeyayaasha, ururrada bulshada rayidka ah, kooxaha siyaasadda, hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada gobolka inay door firfircoon ka qaataan kormeerka dhammaan marxaladaha geeddi-socodka doorashada.
Guddigu, oo war-saxaafadeed soo saaray habeennimadii Axadda, wuxuu sheegay in korjoogteyntani ay muhiim u tahay qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod ee dalka heerarkooda kala duwan iyo cayimadad waqtigooda.
“Daneeyayaasha, ururrada bulshada rayidka ah, kooxaha siyaasadeed, hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada gobolka — sida QM, AU, EU, IGAD, Jaamacadda Carabta, OIC iyo saaxiibada caalamiga ah ee dalka — waxaa lagu boorrinayaa inay si firfircoon uga qeyb qaataan kormeerka dhammaan howlaha doorasho ee dalka, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo isla-xisaabtan,” ayaa lagu yiri bayaanka GMDQS.







