Abuja (Dawan)- Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria ayaa ka codsatay Wasiirka Arrimaha Federaalka iyo Caasimadaha Nigeria Nyesom Wike in laga taageero dhismaha Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Kulanka ay wada qaateen Safiir Jamaal Maxamed Barroow iyo Nyesom Wike ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga xiriirka ka dhaxeeya labada dal, dib u dhiska Safaaradda Soomaaliya ee Abuja iyo in Dowladda Nigeria ay Soomaaliya ku caawiso khibradda ay u leedahay dhisidda Magaalooyinka waaweyn.
Safiirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya u danayneyso in ay ka faa'iideysato khibrada Nigeria si Caasimadda Muqdisho loo dhiso qaab casri ah oo la jaan qaadi kara Caasimadaha dunida.
"Nigeria waxa ay noo tahay tusaale waayo waxa aan soo wada marnay dagaal sokeeye, waxaan rajeynaya inaan uga dayano kasoo kabashada colaadaha gaar ahaan dib u dhiska Caasimadda Muqdisho" ayuu yiri, Safiir Jamaal.

Nyesom Wike ayaa dhankiisa xaqiijisay sida ay Nigeria diyaar ugu tahay in si wanaasgan ula shaqeyso Ergooyinka dalalka kale isaga oo ballan qaaday ansixinta codsiga ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku dhisato xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Abuja.
"Waxaan shaqada u heynaa inaan wax la qabano diblomaasiyiinta martida noo ah. Wax kasta oo aad uga baahataan dhankeena haka waabanina ee toos noo weydiiya" ayuu yiri Wike.




