Soomaaliya, 01 Oktoobar 2025 (Dawan Africa) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa si rasmi ah u shaacisay furitaanka xilliga Xajka 1447/2026, iyadoo qiimaha rasmiga ah ee Xajka lagu dhigay $4,543.5, hoosna uga dhacay qiimihii sanadkii hore oo ahaa $4,604.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mukhtaar Roobow, ayaa qiimahan ku dhawaaqay habeenkii Talaadada intii lagu guda jiray munaasabad lagu furayay adeegga Xajka 2026 oo Muqdisho ka dhacday. Wuxuu sheegay in hoos u dhaca yar ee qiimuhu uu leeyahay muhiimad weyn, maadaama uu yareynayo culayska dhaqaale ee saaran xujeyda Soomaaliyeed.
“Qiimaha Xajka sanadkan waa $4,543.5. Marka la barbardhigo sanadkii hore, wax yar ayuu hoos uga dhacay,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in adeegyada Xajka wax badan laga hagaajiyay, taas oo sababtay in Soomaaliya sanadkii hore ay kaalinta afaraad ka gasho dalalka leh adeegyada ugu wanaagsan ee Xajka, qiimaynta caalamiga ah ee Sacuudigu sameeyay.





