Muqdisho (Dawan)- Dowladda soomaalioya ayaa uga digtay muwaadininnta ku nool gobollada Koonfureed ee dalka khataraha ka imaan kara fatahaada roobabka xilliga Deyrta.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada ayaa lagu sheegay sida soo socota:
Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Kooofureed ee dalka uga digeysaa khatarta fatahaadaha “Illino” ee ka dhalan karta roobabka xilliga deyrta.
Sida ay odorostay warbixinada Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD (ICPAC), waxay muujineysaa koror xooggan oo xaddiga roobka xilliga Deyrta ah oo 80% sababi kara musiibada Ellino. Wasaaraddu waxa ay walwal weyn ka qabtaa saamaynta taban ee ka dhalan karta oo dhib u keeneysa naf iyo mood gaar ah.



