Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga digtay in dhulkeeeda loo adeegsado dagaallo ama isku dayo colaadeed oo la xiriira xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, iyadoo ku adkaysatay inaysan marnaba oggolaan doonin in dalka loo isticmaalo saldhigyo militari ama marin dagaal oo ka dhan ah dalal kale.
Digniintan ayaa timid kaddib hadal uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ka jeediyay Baarlamaanka, halkaas oo uu si adag u cambaareeyay tallaabada uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ku aqoonsaday Somaliland, isagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.
“Waxaan ka digeynaa in Israa’iil iyo Ra’iisul Wasaareheeda Netanyahu ay isku dayaan inay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u soo raraan dagaallada iyo fitnada ay ka waddaan Bariga Dhexe,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.






