Beijing (Dawan)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa ka qayb galaya meertada tobanaad ee shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo lagu wado in la daahfuro 30 bishan May.
Madasha ayaa laga soo saari doonaa dhowr dukuminti oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Baaqa Beijing, barnaamijka fulinta ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha ee sanadaha 2024-2026 iyo war-murtiyeedka wadajirka ah ee arrinta Falastiin, iyadoo dhammaan howlahan lagu jaan-gooyay kulamada gogol-xaarka ee hore u qabsoomay.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa kulan doceedyo labo dhinacle ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggiisa ah iyo wakiillada matalaya dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka qaybgalaya shirka heer wasiir si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka, lana sahamiyo fursadaha iskaashi ee nacfi wadaagga ah.



