Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay shaaciyay in uu muddo dheeri ah uu ku daray diiwaangelinta ururada siyaasadda ee dalka kadib markii ay shalay ku ekeyd mudadii hore ee diiwaangelinta.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ku taariikheesnaa 20-ka April, ayaa Guddiga ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee arrimaha Doorashooyinka in muddada diiwaangelinta ururrada siyaasadda lagu daray muddo sagaal (9) maalmood ah.
“Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha, wuxuu ku wargelinayaa Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee arrimaha Doorashooyinka inuu ku kordhiyey muddada diiwaangelinta ururrada siyaasadda sagaal (9) maalin ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.
Guddigu waxa uu xusay in muddada sagaalka maalmood ah ay bilaaban doonto maalinta Talaadada ee taariikhdu tahay 22/04/2025 kuna eg 30/04/2025.






