Sacuudiga, 9 Oktoobar 2025 — Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ku baaqay iskaashi goboleed oo xooggan si loola dagaallamo musuqmaasuqa loona soo celiyo hantida la xaday intii lagu guda jiray Kulankii Koowaad ee Sanadlaha ah ee Shabakadda Hay’adaha Dib-u-celinta Hantida ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA-ARIN) oo ka dhacay magaalada Jeddah ee Sacuudiga.
Kulanka, oo dhacay Arbacadii, ayaa isu keenay saraakiil sare oo ka socday hay’adaha garsoorka iyo kuwa la dagaallama musuqmaasuqa ee gobolka, si looga wada hadlo hababka iskaashiga ee lagu xoojinayo la socodka iyo dib-u-helidda hantida musuqmaasuqa la xaday.

Wasiir Xasan ayaa shabakadda ku tilmaamay “tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo hay’adaha garsoorka iyo cadaaladda.” Waxa uu tilmaamay in MENA-ARIN ay ka tarjumayso “go’aan wadajir ah oo lagu horumarinayo cadaaladda, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo dib-u-helidda hantida la xaday.”
"Dambiyada sida musuqmaasuqa, dhaqidda lacagta sharci-darrada ah, iyo maalgelinta argagixisada ma aqoonsadaan xuduudaha," ayuu yiri Wasiir Moalim Mahmoud. "Mana jirto dal, awood kasta ha lahaadee, oo kali ku xallin kara."







