BY Abukar Osman
Istanbul (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiistii booqday Xarunta Teknolojiyadda Özdemir Bayraktar ee Baykar ee dalka Turkiga. Booqashadan ayaa timid kadib safar rasmi ah uu madaxweynuhu ku tagay Turkiga Isbuucii la soo dhaafay, kaas oo Madaxtooyadu ay sheegtay in diiradda lagu saaray sare u qaadista iskaashiga dhanka amniga iyo ciribtirka Khawaarijta.
Booqashadani waxaa lagu shaaciyey bogga X ee Xarunta, waxaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Baykar, oo uu ku jiro Madaxa Fulinta ee shirkadda Baykar, Haluk Bayraktar. "Farxad weyn bay ahayd in aan martigelino," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta X ee xarunta.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ee booqashada ku wehliyey madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo hadda ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya.






