Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ka mid noqotay xubnaha Golaha Dhowrista Xogta (Global Privacy Assembly), waxaana xubinimadeeda lagu ansixiyay Meertada 46-aad ee Golaha oo ka socda Jasiiradda Jersey ee Boqotooyada Ingiriiska.
Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha Soomaaliya, Maxamed Axmed Cali ayaa sheegay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay Golaha Dhowrista Xogta oo ay ku mideysanyihiin in ka badan 130 dowladood iyo shirkadaha ugu wawayn dhanka tiknoolojiyadda.
"Taas macnaheedu wuxuu yahay in Soomaaliya awood leedahay hadda kadib iney ganaaxdo, dacweyn karto magdhaw iyo xuquuqna ku leedahay shirkadaha Technologyadda gaar ahaan kuwa Baraha Bulshada sida Facebook, Snapchat, TikTok, Twitter iyo Google oo ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan xad gudubyo ay ka midyihiin jabsashada akoonadooda, faafinta xogtooda xasaasiga ah, muuqaallada ka hor imanaya qiyamka diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed" Sidaas waxaa yiri; Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha Soomaaliya.





