Muqdisho ( Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqofkeeda diidmada ah ee ku saabsan heshiiskii Badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland billaawgii sannadkaan.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diidday waxa loogu yeero “Heshiiska Is-afgaradka” ee ay kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Somaliland oo ah Gobol ka tirsan Soomaaliya 1-dii January, 2024" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasaaraddu waxa ay ku tilmaamtay heshiiskaas inuu xad gudub cad ku yahay madax-bannaanida, midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xeerarka iyo shuruucda adduunka.
"Sida dastuurkeena iyo xeerarka kale ee qaranku dhigayo ma jiro Maamul Goboleed ka tirsan Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto oo awood u leh inay heshiis la galaan dal kale. Sidaas darteed, waxaa meesha ka baxay waxa loogu yeero “heshiis is-afgarad ” ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Maamul Goboleedka Soomaaliya, waxayna Soomaaliya qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay uga hortegyso dhaqangelinta heshiiskaas sharci darrada ah" ayay Wasaaraddu ku tiri, war-saxaafadeedkeeda.
Wasaaraaduu waxa ay carrabka ku adkeysay in tallaabada Itoobiya ay halis gelinayso xasilloonida Geeska Afrika oo ah Gobol u halgamaya sidii uu nabad iyo xasillooni ku heli lahaa ka dib tobannaan sano oo colaado daba dheeraaday ay ka jireen.



