Mareykanka, 23 Sebteembar 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii ka qaybgalay shir heer sare ah oo ka dhacay magaalada New York, ka hor furitaanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu xoojiyay taageerada dowladnimada Falastiin iyo dib u bilaabidda dadaallada xalka laba dowladood ee khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.
Shirkan oo ay si wadajir ah u guddoomiyeen Faransiiska iyo Boqortooyada Sacuudiga, ayaa daba socday qaraar Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo bishii Luulyo ansixiyay natiijada wejiga koowaad ee geeddi-socodka.
Sida ay sheegtay Villa Somalia, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa “markale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee garab istaagga shacabka iyo Dowladda Falastiin,” iyadoo xustay in Soomaaliya ay ka mid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin.
Villa Somalia ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya ay “ku dhiirrigelinayso dalalka qaaday go’aanka taariikhiga ah ee aqoonsiga Dowladda Falastiin,” taas oo lagu sheegay in ay gacan ka geysanayso xoojinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe, isla markaana xaqiijinaysa xuquuqda shacabka Falastiin.




