Somalia, 11 Oktoobar 2025 — Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa maanta ku dhawaaqday bilowga qandaraas caalami ah oo lagu soo saarayo Baasaboorka Jiilka Saddexaad ee Soomaaliyeed. Dukumentigan cusub ayaa noqon doona elektaroonik ah, nooca polycarbonate, isla markaana si buuxda u waafaqi doona heerarka tayada iyo amniga ee ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Hay’addu waxay sheegtay in tallaabadani ay tahay horumar istaraatiiji ah oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu casriyeynayo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda.“Tani waa guul istaraatiiji ah oo ka mid ah dadaallada Soomaaliya ee lagu casriyeynayo nidaamyada socdaalka iyo jinsiyadda,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay hay’adda.“Baasaboorka cusub wuxuu kor u qaadi doonaa kalsoonida caalamiga ah ee dukumentiyada aqoonsiga Soomaalida wuxuuna hubin doonaa inuu buuxiyo heerarka ugu sarreeya ee amniga iyo tayada.”
Hay’addu waxay sheegtay in habka qandaraaska lagu fulin doono iyadoo la raacayo Sharciga Qandaraasyada Qaranka, si loo xaqiijiyo daahfurnaan iyo isla xisaabtan buuxa marka la dooranayo shirkadda soo saari doonta baasaboorka cusub.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xustay in baasaboorka jiilka saddexaad uu yeelan doono astaamo amni oo casri ah iyo naqshad cusub oo adkeyn doonta cimrigiisa iyo aqoonsigiisa caalamiga ah.





