Soomaaliya, 12 Oktoobar 2025 — Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa xaqiijisay in barnaamijka sahanka shidaalka ee dalka uu galay marxaladdii ugu dambeysay, iyadoo ogaysiis rasmi ah oo ku saabsan goobta ugu horreysa ee la qodi doono la filayo Diseembar 2025.
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda Soomaaliya (SNTV) in kulankii saddex maalmood socday ee ay la yeesheen dhinaca Turkiga uu diiradda saarnaa natiijooyinka farsamo iyo qorshayaasha qodista iyo xogohiin sahminta ee Turkida ay sameeyeen.
“Waxaan hadda joognaa marxaladdii ugu dambeysay ee sahanka. Waxaan u gudbaynaa wajigii labaad ee qodista, xogtii waa la soo gabagabeeyay,” ayuu yiri Maxamuud.
Wuxuu intaas ku daray in la-tashiyo lala sameynayo khubaro gudaha iyo dibadda ah si loo xaqiijiyo natiijooyinka ka hor inta aan si rasmi ah loo go’aamin goobta qodista. Wuxuu sheegay in Ogaysiiska rasmiga ah ee goobta la qodi doono la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Ankara, Turkiga, inta u dhaxaysa 1–7 Diseembar 2025.
“Shirka xiga ayaan kaga dhawaaqi doonnaa meesha aan rabno inaan qodno, waxaana lagu qaban doonaa magaalada Ankara isbuuca ugu horreeya bisha Diseembar,” ayuu raaciyay Guddoomiyaha.
Maxamuud wuxuu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, taageerada ay siiyeen horumarinta barnaamijka tamarta dalka.







