New York (Dawan)- Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan (Baale) oo shalay khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay si sharci darro ah uga soo gudbeen xadka ay wadaagaan labada dal.
Danjiraha ayaa xaqiijiyay in ciidmada soo galay gudaha Soomaaliya aysan ka mid ahayn kuwa ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, wuxuuna tilmaamay in ay isku dheceen ciidamada Soomaaliya ee ku sugan xadka
"Todobaadyadii u dambeeyay ciidamo aan ahayn kuwa ATMIS oo ciidamada Itoobiya ah ayaa si sharci darro ah ugu soo gudbay meelo kala duwan xuduudaheenna, iyagoo iska hor-imaadyo kala kulmayay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya" ayuu yiri, Danjire Abuukar.
Danjiraha ayaa xusay in Soomaaliya ay go'an tahay inay ixtiraamto mabaadi'da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo deris wanaagga, wuxuuna ugu baaqay dowladda Itoobiya in qaaddo tillaabo la mid ah arrintaas kana laabato heshiiska is-afgaradka ah, iyada oo aan waqti kale lumin.
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo arrintan kusoo qaatay warbixinta uu ka hor jeediyay Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland wada galeen billowgii sannadkaan, kaas oo dhalay khilaaf xoogan oo soo kala dhex gala Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya iyo in xiisadda taagan lagu xalliyo si nabad ah.



