Kampala (Dawan)- Xulka Soomaaliya ayaa guul darro kala kulmay xulka Tanzania kadib markii ay galabta wada ciyaareen kulanka koowaad ee tartanka Cecafa U-15 oo sannadkaan lagu qabanayo dalka Uganda.
Goolka kaliya ee ay guushu ku raacday Tanzania ayaa yimid, qeybta labaad ee ciyaarta.
Ciyaartooyada Soomaaliya ee da'da yar ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan marka loo eego sida ay raacanayaan kubadda iyo marka ay sameynayaan weerar celiska, taas oo keentay in difaacyada Tanzania aya sameeyaan khaladaad badan, inkasta oo aysan Soomaaliya ka faa'iideysan fursada badan oo gool nooqn karay.
Qofki daawaday ciyaarta, waxa kaliya ee uu tebi karay ayaa ahaa dhameystirka iyo gool dhalinta.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa garoonka soo camiray iyaga oo garab istaag iyo taageero buuxa u muujiyay xiddigaha ku ciyaarayay magaca Soomaaliyeed, taas oo dhiiri gelin wanaagsan u noqotay xulka Soomaaliya.
Kulanka labaad waxaa xulka Soomaaliya ay iska hor imaan donaan dhiggooda Zanzibar 8-da bisha.






